DEG-DEG: Juventus Oo Shaqada Ka Caydhisay Massimiliano Allegri

Juventus ayaa ceyrisay tababare Massimiliano Allegri labo maalmood uun ka dib markii ay ku guuleysteen Coppa Italia Arbacadii.

Juventus ayaa 1-0 kaga badiyay kooxda Atalanta BC bartamihii Isbuuca ciyaartii bandhiga iyagoo ku guuleystay Koobka markii 15-aad, laakiin Juventus ayaa lumisay horyaalka Serie A toddobaadyadii la soo dhaafay.

Kaliya labo kulan ayaa ka harsan in la ciyaaro, Bianconeri ayaa fadhisa kaalinta afaraad ee kala sareynta – afar dhibcood oo nadiif ah ayay ka sareysaa Atalanta BC iyadoo kulan baaqi u yahay – waxayna ka qeyb gali doontaa Champions League sanadka soo socda.

Si kasta ha ahaatee waxa ay 25 dhibcood ka hooseeyaan kooxda ku guulaystay horyaalka ee Serie A.

Ka dib warar xan ah oo sheegaya in Allegri uu qarka u saaran yahay inuu lumiyo shaqadiisa, Juventus ayaa xaqiijisay galabnimadii jimcaha in si degdeg ah shaqada looga ceyriyay tababaraha Talyaaniga, kaliya labo maalmood ka dib markii uu kooxda Turin ku hogaamiyay koob.

War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda ayaa lagu macneeyay in dhaqamo qaar ay ka danbeeyeen cayrinta Allegri,kadib markii maamulaha kooxda uu aflagaadeeyay agaasimayaasha kooxda oo uu u hanjabay wariye.

.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga