Ac Milan Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Tababare Stefano Pioli Kadib Guuldaradii Inter.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in maamulka Milan ay qaateen go’aankii ugu dambeeyay ee mustaqbalka tababare Stefano Pioli kaas oo ay go’aansadeen in ay shaqada ka caydhiyaan tababaraha reer Italy

Stefano Pioli ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Ac Milan sabab la xidhiidha natiijooyinka xun ee kooxda kuwaas oo ku dhamaystay kaalinta 2-aad ee ku dhamaystay.

Kooxda Inter Milan ayaa ku guuleysatay horyaalka dalka Talyaaniga ciyaartii derby-ga ahayd ee Milan, kaddib markii ay labo gool iyo hal kaga adkaatay kooxda ay xafiiltamaan.

Fabrizio Romano ayaa bogiisa rasmiga ah ee shabakada xidhiidhka bulshada ee “X” ku muujiyay in inkasta oo hadaladii rasmiga ahaa ee la soo saaray kadib kulankii derby ee kalsoonida loo soo cusboonaysiiyay tababare Pioli, haddana maamulka Rossoneri ayaa qaatay go’aan ay ku caydhinayaan tababaraha dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Suxufiga caanka ah ayaa intaa ku daray in maamulka kooxdu ay haatanba baadi goob ugu jiraan tababare cusub oo kooxda hogaamiya xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga