Kylian Mbappe Oo Diyaar U Ah In Uu Ku Biiro Arsenal & Halkan Shaqsi Oo Sabab U Ah.

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal sabab la xidhiidha hal ciyaaryahan.

Dhowrkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, Mbappe ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Parc des Princes.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer France ayaa badalay maskaxdiisa sanadkii 2022 waxana uu go’aansaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.

Bishii hore waxa la sheegay in ay Liverpool tahay kooxda ugu cad-cad ee uu xiddiga Mbappe ku biiri karo kooxda Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markaas waxaa si weyn loo sheegay in Mbappe ay u badan tahay inuu u dhaqaaqo Spain dhamaadka xilli ciyaareedka 23/24.

Sida laga soo xigtay The Independent, Mbappe waxa uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Arsenal.

Sabab la xidhiidha in uu taageere u yahay Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry, Mbappe ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga