Rio Ferdinand Oo Doortay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man United Iyo Man City Tan Ilaa Sanadkii 2000.

Rio Ferdinand ayaa magacaabay shaxda isku dhafka kooxaha Manchester United iyo Manchester City ka hor kulankooda weyn ee axada, waxaana uu ka tagay magacyo waa weyn.

Man City ayaa marti galin doonta Man United Axada kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkan.

Blues ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka halka Red Devils ay fadhiso kaalinta lixaad.

Kahor kulanka Etihad, Ferdinand ayaa doortay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ee Man United iyo Man City.

Marka uu sidaas sameeyo, waxa uu ka tagay xiddigo ay ka mid yihiin Paul Scholes iyo Ryan Giggs, oo ay ku jiraan halyeeyo kale.

Dhanka goolka, wuxuu doortay Edwin van der Sar oo ka hormaray David de Gea, isagoo yiri: “Waxaan dooranayaa Van der Sar sababta oo ah waxa aan aaminsanahay in uu yahay midka ugu fiican”.

Patrice Evra, Nemanja Vidic, Ferdinand laftiisa iyo Kyle Walker ayaa ah xiddigaha uu u doortay shaxdiisa dhinaca daafaca.

Daafaca midig ee Man City Ferdinand ayaa yiri: “Kyle Walker waa daafaca midig ee ugu fiican taariikhda Premier League aniga ahaan, waxaan filayaa inuu yahay ciyaaryahan sare”.

Xidigii hore ee Man United ayaa doortay dhamaan khadka dhexe ee Man City isaga oo magacaabay Rodri, Kevin De Bruyne iyo Yaya Toure.

Weerarka, Ferdinand ayaa doortay Cristiano Ronaldo, Sergio Aguero iyo Wayne Rooney.

Isagoo ka hadlaya Ronaldo, 45-jirka ayaa yiri: “In aad gasho dilinta ganaaxa isla markaas dhaliso 40 gool iyo wax ka badan, waxana uu inta badan ka ciyaari jiray garabka bidix sidaas darteed waxa aan u doortay garabka weerarka bidix”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga