Manchester United ayaa si rasmi ah u xaqiijisay saxiixa Carlos Baleba oo ay kala soo wareegtay Brighton, iyadoo heshiisku ku kacayo £65 milyan oo bilow ah, halka £5 milyan oo kale lagu heli karo gunnooyin ku xiran waxqabadka.
Baleba oo 22 jir ah ayaa saxiixay heshiis soconaya ilaa 2031, iyadoo United ay haysato ikhtiyaar ay heshiiska ugu kordhin karto hal sano oo dheeraad ah, Saxiixan wuxuu noqday kii saddexaad ee khadka dhexe ay United keento xagaagan, kadib Youri Tielemans iyo Andrey Santos, waxaana guud ahaan kooxda ay ku bixisay ku dhowaad £148 milyan xoojinta khadka dhexe.
Ciyaaryahanka reer Cameroon wuxuu Brighton kaga soo biiray Lille sanadkii 2023, wuxuuna kooxda u saftay 112 kulan. Inkastoo xilli ciyaareedkii hore uusan gaarin heerkii laga filayay, haddana waxaa lagu yaqaan xooggiisa jireed, kubbad-celintiisa, dagaalka uu kula jiro ciyaartoyda iyo awoodda uu kubadda uga soo saari karo khadka dhexe.
Saxiixa Baleba wuxuu si weyn u dhammaystirayaa qorshaha Michael Carrick ee dib-u-dhiska khadka dhexe, gaar ahaan kadib bixitaankii Casemiro iyo dhaawaca Manuel Ugarte, United waxay rajaynaysaa in Baleba uu keeno tamar, xoog iyo xasillooni ay kooxdu muddo ka raadinaysay khadka dhexe.
Baleba ayaa hadda ku biiraya tartanka boosaska dhexe, isagoo la loolami doona Andrey Santos, Youri Tielemans iyo Kobbie Mainoo. Ujeeddada United ayaa ah in ciyaartoydan da’da yar ay mustaqbalka dhisaan khad dhexe oo awood u leh inay kooxda u tartansiiso Premier League iyo Champions League.
Be the first to comment