
Kooxda reer England ee Arsenal ayaa ku dhow inay la soo wareegto xiddiga kooxda Chelsea ee Noni Madueke inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay u buuxiyaan safkooda.
Suxufiga reer Talyaani Fabrizio Romano ayaa soo sheegay fiidnimadii Sabtida in Madueke uu u furan yahay fikradda ah inuu ka tago Blues oo uu ku biiro Gunners bilowga xilli ciyaareedka soo socda.
Romano ayaa tilmaamay in Arsenal ay horumar ka gaadhay wadahadalad heshiiska shaqsiga h ee xiddiga.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo Madueke uusan codsanin inuu ka tago Chelsea, waxaana uu si buuxda diirada u saarayaa ka qeyb galka koobka kooxaha aduunka ee ka socda dalka Mareykanka kooxda Enzo Maresca, halkaasoo kooxdiisu ay goor hore gaartay semi-finalka.
Romano ayaa carabka ku adkeeyay inuusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray Madueke iyo Arsenal, sidoo kalena uusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray labada kooxood ee ku aadan heshiiska, maadaama kooxdu ay si buuxda diirada u saartay koobka kooxaha aduunka.
23 jirka garabka ka ciyaara ee reer England ayaa Blues kula jira heshiis dhacaya June 2030 waxana uu kooxda ku sugnaa tan iyo jiilaalkii 2023.
Be the first to comment