RASMI: Liverpool Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Muhiim U Ah

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Conor Bradley kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda.

Liverpool ayaa Conor Bradley ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ka ciyaarta Anfield.

Reds ayaa xaqiijisay in xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda ee Conor Bradley uu qalinka ku duugay heshiis cusub.

Conor Bradley ayaa kooxdiisa u saxiixay heshiis 4 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2029.

Bradley ayaa la filayaa in uu door weyn ka ciyaaro kooxda 1-aad ee Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga