Alexis Mac Allister: Garsooruhu Shaqo Fiican Ayuu Qabtay Laakiin….

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool Alexis Mac Allister ayaa sheegay in ay ahayd in rikoodhe loo dhigo kooxdiisa kulankii Liverpool ay 1-1 la gashay Manchester City Axadii.

Laacibka reer Argentina ayaa mar horeba barbareeyay rigoore loo dhigay ciyaarta, waxaana uu dareemay inuu u qalmo rigoore kale daqiiqadihii ugu dambeeyay kadib markii xiddiga Doku khalad ku galay isaga oo ku sugan dilinta ganaaxa.

Garsoorihii garoonka dhexdiisa ayaan wax rikoodhe ah tilmaamin laakiin VAR ayaa soo dhex gashay waxana ay go’aamisay in aanay rikoodhe ahayn dhacadadu.

Isagoo la hadlayay BBC Sport ciyaarta ka dib, Mac Allister wuxuu ka yiri go’aanka: “Waxaan u maleynayaa inay tahay rigoore cad, wax badan ma dhihi karo”

“Waxay ila tahay in garsooruhu uu qabtay shaqo aad u fiican ciyaarta oo dhan, laakiin waxaan filayaa in uu khalad sameeyay go’aankii ugu dambeeyay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga