Nicolas Jackson Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Uu Sii Joogo Chelsea.

Weeraryahanka Chelsea, Nicolas Jackson, ayaa shuruud ku xiray sii joogitaankiisa kooxda kadib imaanshaha tababaraha cusub Xabi Alonso.

Jackson ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto Chelsea kadib markii uu xilli ciyaareedkii 2025/2026 amaah ugu ciyaaray Bayern Munich.

Xiddiga reer Senegal wuxuu ahaa ciyaaryahan muhiim ah oo ka tirsan Chelsea laba xilli ciyaareed kadib markii uu kaga soo biiray Villarreal kooxda reer galbeedka London ee ka ciyaarta Premier League.

Wuxuu u dhaliyay Chelsea 30 gool 81 kulan oo uu saftay, kadib markii uu ugu soo wareegay £32 milyan garoonka Stamford Bridge.

Laakiin Chelsea ayaa ogolaatay inuu u wareego horyaalka Bundesliga xagaagii hore kadib markii ay ku dhowdahay £100 milyan ku bixisay saxiixyada Liam Delap oo ka yimid Ipswich Town iyo Joao Pedro oo ka yimid Brighton & Hove Albion.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Nicolas Jackson wuxuu hadda doonayaa dammaanad uu kaga helo Xabi Alonso waqtiga uu ciyaarayo, wuxuuna sii joogi doonaa Chelsea oo keliya haddii loo arko “weeraryahanka koowaad” ee kooxda.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Jackson uu ku faraxsan yahay sii joogitaanka Chelsea, balse uu doonayo inuu dib u helo booskiisa joogtada ah ee kooxda koowaad xilli ciyaareedka dambe.

Jackson ayaa dhaliyay 11 gool 34 kulan oo uu u saftay Bayern Munich intii uu amaahda ku joogay, isagoo inta badan kayd u ahaa weeraryahanka England Harry Kane.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga