Neymar Oo Loo Soo Bandhigay Laba Kooxood Oo Reer Yurub Ah.

Wakiilka Neymar ayaa wadahadalo la yeeshay kooxaha reer Yurub ee Barcelona iyo Bayern Munich si uu xagaaga u soo wareego, sida lagu sheegay warbixin.

Xiddiga reer Brazil waxa uu bilaabay in uu dib u helo qaab ciyaareedkiisa tan iyo markii dib ugu laabtay Brazil kana tagay Horyaalka sucuudiga.

Neymar ayaa dhaliyay seddex gool seddexna caawiye ka ahaa todobo kulan oo uu u saftay kooxda, waxaana isbuucaan looga yeeray xulka qaranka markii ugu horeysay muddo ku dhow 18 bilood ka dib dhaawac daran oo soo gaaray.

Inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Santos uu doonayo inuu 33-sano jirkaan sii joogo wax ka badan dhamaadka xilli ciyaareedka, sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Sport, wakiilka Neymar Pini Zahavi ayaa bilaaban wadahadalo ku aadan ku biirista xiddiga ee Horyaalka Spain ama Germany.

Zahavi ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku biiristiisii Rikoodh jabiska ahayd ee u dhaqaaqista kooxda PSG iyo waliba ku biiristiisii Horyaalka sucuudiga.

Wakiilka ayaa lagu soo waramayaa inuu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Barcelona Joan Laporte, waxaana warbixintan ay imaaneysaa iyadoo kooxda LaLiga ay xiiseyneyso garabka bidix xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatada dhaqaale ee kooxda reer Catalan awgeed Heshiis kasta ayaa ku xidhan iibinta xiddigaha.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegeysa in Neymar uu doonayo inuu aqbalo mushaar macquul ah si uu ugu fududeeyo ku soo laabashada Nou Camp.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga