Ciyaaryahanka cusub ee Chelsea, Morgan Rogers, ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha kooxda, Xabi Alonso, uu door weyn ka qaatay go’aankiisa uu ugu biiray Blues.
Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay saxiixa ciyaaryahanka xulka England ee uga yimid Aston Villa maalintii Talaadada.
Wareysigiisii ugu horreeyay ee uu bixiyo isagoo ah ciyaaryahan Chelsea ah, Rogers ayaa sheegay inuu dhowr jeer la hadlay Xabi Alonso, isla markaana falsafadda kubadda cagta ee tababaraha reer Spain ay si buuxda ula jaanqaaddo qaabka uu isagu u arko ciyaarta. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay ahayd sababihii ugu waaweynaa ee uu u doortay kooxda reer galbeedka London.
Rogers ayaa yiri:
“Waxaan la yeeshay dhowr wada hadal isaga (Xabi Alonso), waxaana muhiim ii ahayd inaan fahmo nooca uu yahay tababaraha, sida uu u shaqeeyo iyo sida uu u doonayo in kooxda loo maamulo.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Qaabkiisa wuxuu si weyn ula jaanqaadayaa sida aan anigu u arko kubadda cagta, sida aan u doonayo inaan u ciyaaro, iyo inaan si xor ah isu muujiyo oo aan kartidayda u soo bandhigo.”
Ugu dambeyn, Rogers ayaa sheegay:
“In Xabi Alonso uu qayb ka yahay mashruucan waxay ahayd sabab aad u weyn oo igu qancisay inaan halkan imaado.”
Be the first to comment