Muxuu Ten Hag Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Crystal Palace

Tababaraha kooxda Man United Ayaa Ka hadlay Guuldaradii Kooxdiisa ka Soo gaadhay Crystal Palace.

Ten Hag ayaa sheegay in ay u qalmeen Guuldaradii Soo gaadhay maadama ayna si fiican u ciyaarin.

Ten Hag ayaa sidoo kale digniin u diray kooxda Arsenal isaga Oo sheegay in ay wax Ka badali doonaan sida ay u ciyaareen kulankii palace.

“Man United ahaan, waa inaan soo bandhignaa si ka wanaagsan. Ciyaartoyda diyaarka u ahaa waa in ay sameeyaan wax ka fiican. Waa guuldarro mudan. Waxqabadku ma ahayn sidii aan filaynay.”

“diirada ma saari karno kaliya hal ciyaaryahan [Casemiro] waa inaan diirada saarnaa qaab ciyaareedka kooxda, tani sax ma ahayn.”

“Waa in Aan saxnaa wax Walba Axada kulanka Arsenal waa inaan wax ka baranaa kulankaan oo aan horumar sameyno.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga