Musiala, Tuchel, Amorim, Gutierrez, De Zerbi, Mbappe & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Jamal Musiala ayaa diiday qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo Bayern Munich, waxaana uu diirada saarayaa inuu xagaaga u dhaqaaqo horyaalka Premier League, iyadoo Manchester City iyo Liverpool (The Star).

Erik ten Hag iyo Manchester United ayaa ku raad jooga 22 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Girona ee Miguel Gutierrez kaas oo uu Jose Mourinho isku dayay in uu u saxiixo Red Devils waqtigiisii ​​Old Trafford. (The Sun)

Arsenal ayaa tartan kala kulmi doonta baacsiga ay ugu jirto xiddiga Bologna Joshua Zirkzee iyada oo Ac Milan doonayso saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara (Milan Live).

Dhibaatada Man Utd ee khadka dhexe ayaa u horseeday inay indha indheeyaan xiddiga khadka dhexe ee Royal Antwerp ee Mandela Keita, kaasoo laba kulan oo Champions League heerka group-yada ka horyimid Barcelona sannadkii hore (Het Nieuwsblad).

Man Utd ayay u badantahay in ay iska iibiso daafaca midig ee Aaron Wan-Bissaka sanadkan waxana ay badalka macquulka ah u calaamadsatay xiddiga Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong (Fichajes).

Arsenal iyo Man City ayaa laga yaabaa inay ku tartamaan saxiixa xiddiga Fiorentina iyo xulka Italy ee Michael Kayode (Fichajes).

Tababare Thomas Tuchel ayay u badan tahay in la ceyriyo haddii Bayern Munich laga badiyo lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ay Salaadada la ciyaarayaan Lazio (Sky Sports Germany).

Liverpool ayaa sare u qaaday xiisaha ay u qabto tababaraha kooxda Sporting Lisbon Ruben Amorim, laakiin tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa weli ah musharaxa ugu cadcad ee bedeli kara Jurgen Klopp (Mirror).

Rajada Barcelona ee ah inay u magacawdo tababaraha Brighton Roberto de Zerbi xagaaga ayaa adkaatay sabab la xidhiidha diidmada Seagulls ee ah inay wada xaajood ka galaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa 15 milyan euro (Sport).

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo la yeeshay tababarihii hore ee xulka qaranka Germany ee Hansi Flick kaas oo ay doonayaan in ay ku badalaan Xavi (Florian Plettenberg).

Weeraryahanka Paris St-Germain iyo xulka France Kylian Mbappe ayaa la kulmay Luis Enrique si uu ugala hadlo xiisada ka dhalatay tababaraha Isbaanishka oo bedelay 25 jirkaan kulamadii ugu dambeeyay (ESPN).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga