Lewandowski Oo Baacsanaya Rikoodh Hal Mar Laga Sameeyay Taariikhda La Liga.

Si loo kordhiyo dhiirigelin dheeri ah dhamaadka xilli ciyaareedka, Robert Lewandowski wuxuu dhigay Hami ah in uu jabiyo rikoodh sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

weeraryahanka Barcelona ayaa doonaya inuu sii ahaado Gooldhaliyaha La Liga isla markaas ku guulaysto xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Hal ciyaaryahan oo kaliya ayaa sameeyay labadii xilli ciyaareed ee ugu horreeyay horyaalka La Liga waana Halyeeyga Mario Alberto Kempes, kaasoo rikoodhka dhigay sanadkii 1970-kii markii uu joogay Valencia.

Xiddiga reer Poland ayaa ku guuleystay abaalmarinta Pichichi xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee Blaugrana, isagoo dhaliyay 23 gool 34 kulan oo uu ciyaaray sanadkii hore.

Xilli ciyaareedkan, Lewandowski (12) waxa uu afar gool ka hooseeyaa gooldhaliyaha ugu sarreeya, Jude Bellingham (16), waqtigan.

Si la mid ah sida ay Barca u raadineyso horyaalkeedii labaad oo isku xigta, Lewandowski ayaa raadinaya gooldhalintiisii 2-aad oo xidhiidh ah waxana ay noqon kartaa mid suurtagal ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga