Tababarihii hore ee Old Trafford ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay su’aal galisay go’aankii Erik ten Hag ee uu kula soo wareegay Lisandro Martinez.
Daafaca Argentina Martinez ayaa dhameystiray heshiis 57 milyan oo euro ugu dhaqaaqay Man United bishii July ee sanadkii 2022 isaga oo la midoobay Erik Ten Hag.
Martinez ayaa si weyn uga soo hoos muuqday Ten Hag intii uu xiddiga reer Argentine ku sugnaa Ajax sanadkii 2019.
Caawihiyii hore ee Erik Ten Hag Steve McClaren ayaa sheegay in maamulka sare ee Man United ay su’aal galiyeen rabitaankii Erik Ten Hag ee saxiixa Martinez.
Mar wax laga weydiiyay Ten Hag inuu la soo wareego ciyaartoydiisii hore, McClaren ayaa u sheegay Daily Telegraph: ‘Marka hore, [ciyaartoydu way garanayaan] habka uu doonayo inuu u ciyaaro”.
“Marka 2-aad, xiddigaha ayaa diyaar ahaa, marka 3-aad waxa uu ogaa in aanu wakhti badan haysan si uu u bilaabo shaqada United”.
“Lisandro Martinez markii ugu horaysay, waxa ay arintu ahayd miyaad hubtaa, Ten Hag haa ayuu yidhi sababta oo ah Martinez ayaa garanayay sida uu Ten Hag u ciyaaro”
“Sidaas aniguba horay u sameeyay, marka aad koox kale tagto waxa aad u baahanaysaa 2 ilaa 3 xiddig oo aad horay ula soo shaqaysay”.
“Waxaad u baahan tahay taageere iyo dad aaminsan waxaad samaynayso. Waxaa jira liis shan ah [saxiixyada suurtagalka ah] oo waxaad doorataa midka aad taqaan”.
Be the first to comment