Mbappe Oo Noqon Doona Xiddiga Ugu Mushaharka Badan Real Madrid

Real Madrid ayaa Kylian Mbappe ka dhigi doonta xiddiga ugu mushaharka badan marka uu kooxda ku soo biiro bisha dambe.

Kabtanka France ayaa talaabo u qaaday Los Blancos ka dib markii uu xaqiijiyay inuu doonayo inuu ka tago Paris Saint-Germain marka uu qandaraaskiisu dhaco.

Mabappe ayaa go’ansaday in uuna heshiis cusub u saxiixiin PSG sidaas darteed waxa uu kooxda uga tagi Doonaa qaab xor ah isaga Oo ku biiraya Real Madrid.

Wali ma jirto xaqiijin dhabar ah oo la Xaqiijiyay in uu ku biirayo kooxda Real Madrid.

Laakiin wargayska RMC Sport ayaa Sheegaya in ay Real Madrid wadahadalo kula jirto xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Mbappe noqon doono xiddiga ugu mushaharka badan hadii uu ku Biiro Kooxda Real Madrid.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga