Xiddiga Barcelona iyo xulka Spain, Lamine Yamal, iyo saaxiibtiis Ines Garcia, ayaa shaaciyay tallaabo cusub oo ka dhex dhacday xiriirkooda, kaddib markii ay soo bandhigeen inay qaateen laba eey oo yaryar, Ines Garcia ayaa Jimcihii, 11-kii Sebtembar, baraha bulshada ku wadaagtay sawirro ay iyada iyo Yamal ku jiraan, iyagoo gacmaha ku haya labada eey, Sawirrada waxaa sidoo kale ka muuqday lamaanaha oo is dhunkanaya.
Yamal ayaa markii hore soo dhigay mid ka mid ah sawirrada, isaga oo gacanta ku haya mid ka mid ah eeyaha, halka Ines ay sidday kan kale. Garcia ayaa markii dambe sawirka ku baahisay akoonkeeda Instagram-ka, iyadoo ku dartay astaamo muujinaya laba eey, qalbiyo iyo erayga “Rasmi ahaan”.
Sawir kale ayay Garcia soo bandhigtay, kaas oo Yamal lagu arkayay isagoo labada eey gacanta ku haya, iyadoo mid ka mid ah loogu dul sameeyay qalbi buluug ah, kan kalena qalbi casaan u janjeera, Sida ay sheegtay warbaahinta Catalan-ka ee Sport, muuqaalka eeyahan—oo leh midab kareem ah, timo qalloocan iyo dhego hoos u laalaada—ayaa muujin kara inay yihiin nooc u dhow Golden Retriever.
Tallaabadan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli ay yaraadeen wararkii iyo xanta toddobaadyadii lasoo dhaafay laga faafinayay in Yamal iyo Ines Garcia ay kala tageen. Labadooda ayaa dhowaan si wadajir ah uga soo muuqday munaasabado kala duwan.

Dhanka kubadda cagta, Yamal ayaa si wanaagsan ku bilowday xilli ciyaareedkan, isagoo door ku lahaa 7 gool shantii kulan ee ugu horreeyay ee uu Barcelona u ciyaaray dhammaan tartamada.
Laacibka ayaa dhaliyay 4 gool afar kulan oo La Liga ah, halka kulankiisii ugu horreeyay ee Champions League uu dhaliyay hal gool, sidoo kalena uu sameeyay laba caawin.

Be the first to comment