Garabka weerarka ee Barcelona, Roony Bardghji, ayaa wajahaya dhaawac culus oo muddo dheer garoomada ka maqnaan doona.
Xiddiga reer Sweden ayaa la xaqiijiyay inuu dhaawac ka soo gaaray ACL-ka jilibka, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo u dhaxaysa 6 ilaa 7 bilood.
Dhaawacan ayaa ku soo beegmaya xilli Bardghji uu ku dhowaa inuu Barcelona uga tago amaah, si uu koox kale ugu biiro una helo daqiiqado ciyaareed oo badan iyo khibrad dheeraad ah.
Haddaba, dhaawacan ayaa si weyn u beddelaya qorshihii ciyaaryahanka, waxaana hadda diiradda la saari doonaa soo kabashadiisa iyo sidii uu ugu soo laaban lahaa heerkiisii ciyaareed.

Be the first to comment