Marc Cucurella: “Inaan qayb ka noqdo taariikhdan waa mas’uuliyad weyn”

Marc Cucurella ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay inuu hadda qayb ka noqdo kooxda uu hore uga daawan jiray habeenadii waaweynaa ee Champions League.

Cucurella ayaa yiri: “Waxaan daawan jiray dhammaan habeenadii sixirka lahaa iyo remontada-yadii ka dhici jiray Santiago Bernabéu, iyo dhammaan koobabkii Champions League ee ay qaadeen.”

Wuxuu intaas ku daray: “Hadda inaan aniguba qayb ka noqdo waxaas… waa mas’uuliyad aad u weyn, laakiin sidoo kale waa caqabad qurux badan oo muhiim ah.”

Hadalka Cucurella wuxuu muujinayaa sida uu u dareemayo culayska iyo sharafta ka dhalanaysa inuu qayb ka noqdo koox leh taariikh weyn oo Champions League ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga