RASMI :- Real Madrid oo soo saartay Numberada ay xidhan doonaan Saxiixyada cusub ?

Ciyaartoyda cusub ee Real Madrid ayaa dhammaantood ku biiray kooxda uu hoggaaminayo José Mourinho, iyadoo sidoo kale la shaaciyay lambarada funaanadaha ay xilli ciyaareedka cusub ku ciyaari doonaan.

Saxiixyada cusub waxaa ka mid ah Carlos Espí, Bernardo Silva, Yan Diomande, Marc Cucurella, Ibrahima Konaté iyo Denzel Dumfries. Dhammaan ciyaartoydan ayaa hadda si rasmi ah ugu biiray kooxda, waxaana indhaha lagu hayaa doorkooda xilli ciyaareedka cusub.

Real Madrid ayaa rajaynaysa in saxiixyadan cusub ay kooxda ku kordhiyaan tayo, khibrad iyo awood dheeraad ah, iyadoo Mourinho uu helayo koox ay ku jiraan ciyaartoy magacyo waaweyn leh iyo kuwo mustaqbalka loo arko inay muhiim noqon karaan.

Carlos Espí 1️⃣9️⃣👕
Bernardo Silva 2️⃣0️⃣👕
Yan Diomande 2️⃣5️⃣👕
Marc Cucurella 1️⃣7️⃣👕
Ibrahima Konate 1️⃣6️⃣👕
Denzel Dumfries 2️⃣4️⃣👕

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga