Man United Oo Loo Sheegay In Ay Si Deg-deg Ah U Caydhiyaan Erik Ten Hag & Badalkiisa Oo Loo Tilmaamay.

Michael Owen ayaa ku booriyay Manchester United inay shaqada ka caydhiyaan Erik ten Hag ayna u magacaabaan Steve McClaren si uu ku meel gaadh ugu sii hayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed kale oo xun intii uu hogaaminayay Ten Hag fiidnimadii Isniinta iyadoo 4-0 ay ku garaacday Crystal Palace garoonka Selhurst Park.

“Waqti dheer ayaan idhi in Ten Hag aanu ahayn ninka ku habboon shaqadan, waxaan sheegayay muddo dheer”ayuu Owen yidhi.

“Ma maamuli karo kooxdan xilli ciyaareedka dambe”ayuu sii raaciyay.

“Waxa aan is waydiinayaa, hada waxa u dhiman final sidoo kale kulamo muhiimo ah si ay ugu soo baxaan tartamada yurub”.

“Ma ahan tababare ku fiican kooxdan, mana hogaamin karo, muddo ayaan sidaas sheegayay”.

“Kooxdu axa ay u baahantahay is badal weyn, waa in ay Haatan Caydhiso Ten Hag isla markaas si ku meel gaadh ah shaqada ugu dhiibto Steve McClaren inta ka dhiman xilli ciyaareedka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga