Manchester United ayaa halis weyn ugu jirta inay jabiso rikoor aan loo baahnayn oo 34 sano ah ka dib markii ay guuldaro kala kulmeen Crystal Palace.
Red Devils ayaa lagu xasuuqay 4/0 kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Tababaraha United Ten Hag ayaa mar kale u dagaalamaya idii uu u badbaadin lahaa shaqadiisa Man United iyada oo kooxdiisu haatan 13 dhibcood ka hoosayso kaalmaha loogu soo boxo champions League.
Xilli ciyaareedkooda ayaa gaadhi kara halkii ugu hoosaysay taariikhddooda dhinaca goolasha laga dhaliyay.
Man United ayaa ilaa haatan laga dhaliyay 81 gool xilli ciyaareedkan waana midkii ugu badnaa tan ilaa 1976/1977.
Iyada oo weerarka United dhibaatoonayo, Kooxda Ten Hag ayaa dhalisay kaliya 55 gool waxana ay la macno tahay in farqiga goolashu haatan yahay -3 iyada oo kooxda u hadheen Arsenal, Newcastle Iyo Brighton.
Hadii ayna Man United iska hagaajin aafaca kulamada oo socda faqiga goolasha lagu leeyahay ayaa sii xumaan kara iyada oo ka hoos mari karta 0.
Waxa ay noqon doontaa markii ugu horaysay ee uu farqigooasha goolasha ka hoos maray 0 tan ilaa 1990.
Be the first to comment