Man United Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Bournemouth

Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Bournemouth si weyn uga fiicnayd Man United kuwaas oo kaliya ku fiicnaa maamulista iyo haysashada kubada.

Kooxda Bournemouth ayaa daqiiqadii 16-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Dominic Solanke kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Laakiin Man United ayaa daqiiqadii 31-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Si kasta ha ahaatee Bournemouth ayaan is dhiibin waxana ay daqiiqadii 36-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Justin Kluvert kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay iyada oo United ka dambayso Bournemouth dhinaca natiijada sidoo kale laga ciyaar fiican yahay.

Man United ayaa daqiiqadii 65-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay United sii wado luminta dhibcaha horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga