Man City Oo Jabisay Rikoodh Ay Ka Horay U Dhigtay Kadib Guushii Chelsea.

Kooxda Man City ayaa jabisay rikoodh ay dhigtay kadib markii ay 1/0 uga badisay kooxda chelsea Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ku soo laabtay wadada guulaha kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Real Madrid kana hadheen champions League.

Kulankii FA Cup-ka ayaa u muuqday mid la isla aadayo wakhti dheeri ah ka hor inta uuna Bernardo Silva dhalin goolka daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta.

Kooxda Man City ayaa jabisay rikoodhka guuldaro la’aanta taariikhda kooxda iyada oo haatan 29 kulan oo xidhiidh ah ka fogaatay guuldaro la’aan tartamada oo dhan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.

Inkasta oo ay City guuldaro kala kulantay Real Madrid kulankii champions League hadana 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa ayaa ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.

Kooxda Man City ayaa kulankii ugu dambeeyay ee laga badiyay ahaa kulankii Aston Villa ee premier League ee dhacay 6 bishii December.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga