
Mustaqbalka Darwin Nunez ee Liverpool ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya iyada oo Reds dalab 70 milyan ah laga soo gudbiyay xiddiga reer Uruguay.
Xiddiga garabka ciyaara Liverpool ayaa ku soo biiray sanadkii 2022 waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed aad u liita.
Xiddiga ayaa ku hor dhibaatooday goolka hortiisa isaga oo kaliya dhaliyay 2 gool xilli ciyaareedkan Premier League.
Rajadu waxay ahayd in Darwin uu ka tagi doono Anfield dhamaadka xilli ciyaareedkan haddii Slot uu qaab ciyaareed fiican ka soo saari waayo xiddiga.
Kooxda sucuudiga Al-Hilal ayaa doonaya saxiixa xiddiga iyada oo doonaysa in ay ku badasho Neymar.
Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool ay heshay dalab 70 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga.
Laakiin Res ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyada oo doonaysa lacag ku dhaw 85 milyan oo euro si ay u fasaxdo ga.
Be the first to comment