Liverpool Mise Man City? Harry Redknapp Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Maanta

Khabiirka kubada cagta ee Harry Redknapp ayaa saadaaliyay kulanka adag ee maanta dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Man City.

Kulan adag ayaa dhexmari doona labada kooxood kaas oo ka tirsan premier League iyada oo labada kooxood ku tartami doonaan sidii ay u heli lahaayeen 3-da dhibcood ee kulanka.

“isku dayga in aan kala doorto Liverpool iyo Manchester City midka badinaya waxa ay ii keenaysaa isla hal jawaab oo ah in aanan doonayn in aan mar kale saadaashayda badalo”.

“Marka aan eego qab ciyaareedkooda waxa laga yaabaa in aan go’aansado in aan dhibcaha u qaybiyo Man City iyo Liverpool”.

“Taasi waxa ay u fiicnaan doontaa Arsenal sababta oo ah iyaga ayaa hogaanka u haynaya horyaalka premier League”ayuu sii raaciyay.

“Sida ay hadda u ciyaarayaan City iyo Liverpool way adagtahay in ay dhibco lumiyaan hadii aan VAR samayn go’aano khaldan”.

“Labaduba waxa ay guul u soo hooyaan si qurux badan taas oo iga dhigeysa in aan madaxayga xoqo oo aan is waydiiyo cida ku guulaysan karta horyaalka mar walba oo aan daawado”.

“Hal daqiiqo Liverpool ayaa daqiiqadaha ugu dambeeya guul gaadhaysa inkasta oo ay dhaawacyo badan hadheeyeen waxana aan is odhanayaa ma jirto cid joojin karta iyaga”.

Maalinta xigta waxaan arkay sida City ay u ciyaareysay cabsi la’aan ka dib markii 1/0 looga hor maray kulankii Manchester Derby, waxan odhanayaa ‘Ilaahayow, waa cajiib'”.

“Haddii aan saadaalin sameeyo waxa aan saadaalin waxa aan saadaalinayaa bar-baro labada kooxood”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga