Lewandowski Oo Ku Soo Wajahan Premier League, Laba Koox Ayaa Doonaya Saxiixiisa

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa bartilmaameed u noqday laba kooxood oo premier League ah ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargaysla El Nacional ayaa sheegay in ay kooxaha Man United iyo Tottenham doonayaan saxiixa xiddiga isla markaas dalab ku tijaabin doonaan rabitaanka weeraryahanka.

Robert Lewandowski ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu 50 milyan oo euro ugu soo biiray sanadkii 2022.

Xiddiga reer Poland ayaa dhaloay 33 gool halka uu caawiye ka noqday 8 kale 46 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Barcelona ayaa laga yaabaa in ay diyaar u noqoto in ay dhagaysato dalabka u imanaya xiddiga reer Poland inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Inkasta oo uu jiro 35 sano hadana Robert Lewandowski ayaan waayi doonin dalabyo lagu doonayo saxiixiisa iyada oo kooxda Man United doonayso weeraryahan cusub halka ay Tottenham doonayso in ay buuxiso booska uu baneeyay Harry Kane.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga