Gary Neville Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Man United Ka Caawin Kara In Ay Garaacdo Man City.

Xiddigii hore ee kooxda Man United Gary Neville ayaa magacaabay labada xiddig ee Man United ka caawin kara in ay garaacdo Man City kulanka maanta.

Kooxaha Man United iyo Man City ayaa wakhti dhaw ku kulmi doona garoonka Etihad kulan ka tirsan horyaalka premier Legaue.

Gary Neville ayaa sheegay in ay jiraan laba xiddig oo Man United ka caawin kara in ay garaacdo Man City kulanka Etihad.

Xiddigii hore ee Gary Neville ayaa aaminsan in ay xiddigaha Mainoo iyo Casemiro ay muhiim u yihiin Man United door fiicana ka qaadan doonaan in ay garaacaan Man City.

Isaga oo la hadlaya Sky Sport ka hor kulanka ayaa yidhi”Casemiro iyo Mainoo ayaa shaki la’aan muhiim u ah Man United maanta”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay labada xiddig ku bilowdeen shaxda Man United ee ka hor tagaysa Man City.a

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga