Kabtanka Inter Milan, Lautaro Martínez, ayaa ka hadlay xaaladda xiddiga ay isku dalka yihiin ee Julián Álvarez, kaasoo xilli suuqii kala iibsiga xagaaga soo maray xaalad adag, sidoo kalena wuxuu ka hadlay go’aankii Lionel Messi uu uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.
Álvarez ayaa doonayay inuu isaga tago Atlético Madrid, iyadoo Barcelona ay wadahadallo la gashay kooxda Madrid si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer Argentina, Si kastaba, Atlético Madrid ayaa diiday dalabkii Barcelona, iyadoo Álvarez uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda.
Lautaro oo wax laga weydiiyay xaaladda saaxiibkiis ayaa yiri: “Álvarez waa saaxiibkay, Ma ahan waqti u fudud isaga, laakiin go’aanka waxaa qaatay madaxda kooxdiisa, Waxaan rajeynayaa inuu sii wado inuu soo bandhigo heerkiisii caadiga ahaa.”
Lionel Messi ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha xulka Argentina, isagoo soo gabagabeeyay waayihiisii heerka caalamiga ahaa, Lautaro ayaa sheegay in ciyaartoyda Argentina ay hore u ogaayeen in waqtigaas uu imaan doono, isagoo yiri:- “Dhammaanteen waan ogayn in waqtigan uu imaan doono, Waxay ahayd war aad muhiim u ah, marka la eego waxa Leo uga dhigan yahay kooxda iyo dhammaanteen, Waxaan sii wadi doonnaa inaan raacno wax kasta oo uu na baray.”
Lautaro ayaa hadalladan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii, xilli Inter Milan ay isu diyaarinayso kulanka weyn ee Real Madrid, Labada kooxood ayaa ku kulmaya Santiago Bernabéu, iyadoo kulankan uu yahay wareegga koowaad ee League Phase-ka Champions League.
Inter ayaa kulanka soo galaysa iyadoo niyad wanaagsan ku jirta kadib guushii ay 3-2 kaga gaartay Napoli, halka Real Madrid ay kulankeedii ugu dambeeyay 1-0 kaga soo adkaatay Real Betis.
Be the first to comment