Kooxehee Ciyaari Doona Tartanka Community Shield Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub.

Manchester United ayaa ku guuleysatay koobka FA Cup 2024 kadib markii ay 2-1 kaga badisay Manchester City ciyaar ka dhacday garoonka Wembley Sabtidii.

Man United ayaa kulanka gashay iyaga oo aan ugu cad-cadayn kulanka iyada oo Man City la filayay in ay ku guulaysato kulanka.

Kadib markii ay ku guulaysteen FA Cup-ka, Man United ayaa la ciyaari doonta Man City kulanka Community Shield bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka ayaa wada ciyaara kooxda ku guulaysata Premier League Iyo kooxda ku guulaysata tartanka FA Cup-ka.

Kulanka ayaa dhici doona 7 maalin ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Kulanka ayaa la filayaa in la ciyaaro 10 Bisha August ee sanadkan 2024 maalmo ka hor bilaabashada tartanka Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga