Kobbie Mainoo Oo Man United Ku Hogaamiyay Guul Wakhti Dambe Oo Ay Ka Gaadheen Wolves.

Manchester United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Wolverhampton iyaga oo kaga badiyay 4/3 ciyaartii ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Molineux ee ka tirsan horyaalka Premier Leageu.

goolka hore waxaa u dhaliyay Marcus Rashford daqiiqadii shanaad, waxaana goolka labaad u dhaliyay Rasmus Hoylund bartamihii qeybta hore ee ciyaarta.

Marcus Rashford ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta kadib caawin uu ka helay Rasmus Hoylund baas cajiib ah,waxana uu xiddiga reer England darbo toos ah shabaqa dhex dhigay.

Daqiiqadii 11 aad Casemiro ayaa kubad ka soo tuuray cidhifka xerada ganaaxa waxana uu dhaafiyay birta midig ee goolka, kubadii ugu horaysay ee Wolverhampton ayaa ku timid xiddiga Wolverhampton Cunha laakiin kubada ayaa si sahlan ku gaadhay Goolhaye Onana.

Halka goolka Rasmus Hojlund uu yimid ka dib weerar abaabulan oo soo gaaray xerada ganaaxa, halkaasoo weeraryahanku dhex dhigay kubada shabaqa.

Bruno Fernandes ayaa darbo ku tuuray meel u dhow birta bidix ee goolka daqiiqadii 32aad, Varane ayaa sidoo kale lagu tijaabiyay darbo halis ah oo birta ka sare martay daqiiqadii 35aad.

Garsooraha ayaa kansalay labo gool dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta waxaana u sababeeyay Rasmus Hoylund iyo Casemiro oo offside ku jireen.

Isku dayga labada kooxood ayaa sii socotay qaybtii dambe ee ciyaara iyada oo Wolves heshay rikoodhe uu gool u badalay xiddiga Sarabia Laakiin xiddiga McTominay ayaa daqiiqadii 75 aad u dhaliyay goolka 3-aad ee Manchester United toban daqiiqo oo kaliya kadib. ,Max Kleiman ayaa gool u dhaliyay Wolves

Daqiiqadihii ugu dambeeyay gaar ahaan daqiiqadii 97-aad ayay Wolves dhalisay goolka 3-aad ee bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Pedro Neto.

Laakiin xiddiga da’yarka ah ee Kobbie Mainoo ayaa wax yar kadib kooxdiisa ku soo celiyay hogaanka ciyaarta waxana uu ka dhigay 4/3 ay Man United ku badisay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga