Wakhtiga Uu Mohamed Salah Ku Soo Laabanayo Shaxda Kooxdiisa Oo La Ogaaday.

War saxaafadeed maanta soo baxay ayaa lagu shaaciyay taariikhda uu dib u soo laabanayo Mohamed Salah,  ka dib dhaawacii muruqa ah ee ka soo gaaray xulka qaranka Masar kulankii Ghana, ee dhawaan wareega labaad ee Koobka Qaramada Afrika.

Sida lagu daabacay website-ka “Yalla Koura”, Mohamed Salah waxa uu mari doonaa barnaamij baxnaanin ah toddobaad kale, ka dib waxa uu geli doonaa tababarka kooxda ka hor inta uusan wajihin Burnley, oo loo qorsheeyay February 10.

Shabakadda ayaa tilmaamtay in Mohamed Salah uu dib ugu soo laaban doono si uu uga qeyb galo Liverpool kulanka Brentford, ilaa iyo inta uu taam yahay 100%, oo loo qorsheeyay February 17.

Shabakadda ayaa sharraxday in shaqaalaha caafimaadka Liverpool ay si adag uga shaqayn doonaan diyaarinta Mohamed Salah muddooyinka soo socda, kaddib kulanka Arsenal ee loo ballansan yahay Axadda soo aaddan.

Mohamed Salah ayaa muran badan ka dhaliyay ku soo laabashadiisa Liverpool kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay xulka qaranka Masar ka hor inta aanu la ciyaarin xulka qaranka DR Congo wareega 16-ka afar dhamaadka koobka qaramada Afrika Axadii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga