Arsenal Mise Liverpool? Bradley Barcola Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo

Waxaa jira tartan adag oo ka dhex qarxi kara kooxaha Arsenal iyo Liverpool xagaagan si ay ula soo saxiixdaan Bradley Barcola, iyadoo mustaqbalkiisa kooxda Paris Saint-Germain uu weli mugdi ku jiro.

Labada kooxood ee Premier League ayaa si weyn ula dhacsan xiddiga reer France, waxaana la rumeysan yahay in PSG ay diyaar u noqon karto inay iibiso haddii loo helo lacag ka badan £116 milyan.

Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah labada kooxood ayaa u muuqda ay leedahay faa’iido dheeraad ah tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Sida uu sheegay weriyaha Daily Mail Lewis Steele, haddii Barcola lagu qasbo inuu kala doorto Arsenal iyo Liverpool, wuxuu u badan yahay inuu doorbido Arsenal.

Xiddiga ayaa doonaya in uu ku noolaado magaalada London sidoo kale waxa uu jecelyahay in uu la shaqeeyo Tababare Mikel Arteta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga