Kevin De Bruyne Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Dhigay Cesc Fabregas

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Kevin De Bruyne ayaa barbareeyay gool caawintii Cesc Fabregas ee Premier League kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Fulham Sabtidii.

Citizens ayaa hogaanka u qabatay horyaalka iyagoo guul weyn ka gaaray Craven Cottage, waxaana u dhaliyay Josko Gvardiol, labo gool uu dhaliyay Phil Foden iyo rigoore uu dhaliyay Julian Alvarez.

Inkasta oo aanu wax gool ah dhalin haddana De Bruyne ayaa ka qayb qaatay guusha isaga oo caawiyay goolkii Gvardiol.

Caawintaas ayaa ahayd caawintii 111 ee De Bruyne isaga oo bar-bareeyay Fabregas oo ku jira kaalinta 2-aad ee xiddiga uGu caawinta badan premier League.

Inkasta oo uu Fabregas u baahday 350 kulan, De Bruyne ayaa kaliya u baahday 258 kulan si uu u bar-bareeyo Xiddiga reer Spain.

De Bruyne ayaa kaliya 51 caawin u jira in uu bar-bareeyo halyeeyga Man United Ryan Giggs kaas oo ah xiddiga ugu cawinta badan taariikhda premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga