José Mourinho ayaa amaan weyn u jeediyay taageerayaasha garoonka Santiago Bernabéu, isagoo sheegay in isku duubnida kooxda iyo taageerayaashu ay Real Madrid ka dhigi karto koox aad u adag in laga adkaado.
Mourinho oo ka hadlayay waayo-aragnimadiisa ayaa yiri:- “Marka ay isku duubnaadaan kooxda iyo garoonku, ma doonayo inaan iraahdo lama garaaci karo, laakiin xaqiiqdii waxay noqonayaan kuwo ku dhow inaan laga adkaan.”
Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale xusay rikoodh uu ku faanayo, isagoo sheegay inuu weli haysto Guinness World Record-ka kulamada guriga ee aan laga badin, isagoo tilmaamay inuu muddo lix ama toddoba sano ah aan lagu garaacin garoonkiisa.
Mourinho ayaa ugu dambeyn fariin cad ka bixiyay awoodda taageerayaasha, isagoo yiri: – “Marka aad koox ahaan ula shaqeyso garoonka, waxaad noqoneysaa cid aan lagaari karin .”
Hadallada Mourinho ayaa muujinaya sida uu muhiim ugu arko taageerayaasha iyo jawiga garoonka, gaar ahaan Bernabéu, marka Real Madrid ay ciyaarayso kulamada waaweyn.
Be the first to comment