Jamie Redknapp Oo Farta Ku Fiiqay Xiddiga Sababta U Ahaa Guuldaradii Chelsea Ee Final-ka Carabao Cup-ka.

Jamie Redknapp ayaa dhaleeceeyay daafaca chelsea ee Axel Disasi kadib markii uu Virgil van Dijk Liverpool ku hogaamiyay Carabao Cup ka dib markii uu madax ku dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa, isagoo sheegay in daafaca uusan waxba ka ogayn halista daafaca ka soo hor jeeda.

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah isla markaas fursado abuureen intii ay ciyaartu socotay.

Van Dijk ayaa dhaliyay goolka daqiiqadii 118-aad ee ciyaarta xilli ay cid walba filaysay in rikoodhayaal lagu kala boxo kulanka.

Khabiirka kubada cagta ayaa farta ku fiiqay daafaca Chelsea Disasi isagoo ku sugan istuudiyaha Sky Sports.

“Disasi waa ciyaartoyg xoogan si fiicana ulama dhaqmin Van Dijk, waxa ay arin cajiib ah u ahayd Van Dijk isaga ayaa doonayay in ka badan Disasi”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga