Arsenal, Man City Mise Liverpool? Alan Shearer Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League.

Alan Shearer ayaa aaminsan in Manchester City ay wali ka fursado fiicantahay kooxaha Liverpool iyo Arsenal tartanka horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League laakiin Man City ayaa hal dhibic ka dambaysa kadib guushii ay ka gaadheen Bournemout sabtidii.

Arsenal ayaa natiijadaas raacisay guul 4/1 ah oo ay ka gaadhay kooxda Newcastle kulan ka dhacay Emirates laakiin kooxda Arteta ayaa ku jirta kaalinta 3-aad.

Inkasta oo ay Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed qaab ciyaareed fariin ah hadana shearer ayaa rumaysan in khibrada Man City go’aamin doonto tartanka premier League.

“Arsenal waa koox aad u malaynayso in ay tahay koox natiijo fiican helaysa laakiin todobaadka xiga aad is odhanayso fursadoodii way tagtay”.

“Waxa aan filayaa in ay Man City ogtahay in ayna ahayn wakhtigii la khal-khali lahaa”.

“Xitaa marka ayna si fiican u ciyaarayn waxa ay rumanysan yihiin in ay badinayaan waana kooxda ugu cad-cad horyaalka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga