Jamie Carragher Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Kadib Guushii Liverpool.

Jamie Carragher, oo horey u aaminsanaa in Gunners aysan ku guuleysan doonin horyaalka, ayaa hadda bedelay go’aankiisa.

Carragher oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi“Iyagu [Arsenal] way kaga fiicnaayeen Liverpool dhinac walba, laakiin waxa ugu wayn ee ii muuqday ayaa ahaa sida ay ugu xoogan yihiin dhanka daafaca”.

“Weligay ma dareemin in kulankaas ay Liverpool u muuqatay mid halis ah ama gool uu imanayo”.

“Liverpool waxa ay heshay gool nasiib leh, waan ognahay taas, Arsenal waxa ay haysataa fursad yar oo ay ku qaadi karto horyaalka, fursadaasna waxa ay wax badan ka imanaysaa sida ay u fiican yihiin dhanka daafaca”.

“Waxaan u maleynayaa in difaac ahaan, hubaal maahan kaliya goolasha laga dhaliyay laakiin marka aad dhab ahaantii eegto tirooyinka hoose, waxaan u maleynayaa in daafac ahaan ay yihiin kooxda ugu fiican Premier League, waxaad ku aragtay wixii ay Liverpool ku samaysay”.

Arsenal ayaa haysata daafaca ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan iyada oo laga dhaliyay 22 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga