Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Kulanka Final-ka Ee Chelsea.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Dominik Szoboszlai ayaa lagu soo waramayaa in seegayao Kulanka Fianla-ka Caraboa cup-ka ay la ciyaari doonaan chelsea.

Xiddiga khadka dhexe ayaa si joogto ah ugu ciyaaray kooxda Klopp xilli ciyaareedkan laakiin ilaa haatan sanadka 2024 waxa saameeyay dhaawacyo.

Dhaawac soo gaadhay bilowgii sanadka ayaa u diiday in uu ciyaaro kulamada kooxdiisa bishii January ka hor inta uuna ku soo laaban kooxdiisa kulankii Norwich ee FA Cup-ka.

Szoboszlai ayaa ku bilowday kulankii ay Liverpool xasuuqday chelsea ka hor inta uuna seegin kulankii Arsenal.

Index ka soo baxa Hungary ayaa sheeganeysa in Szoboszlai uu maqnaan doono ku dhawaad ​​afar isbuuc oo kale si uu uga soo kabsado dhaawac taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka Chelsea ee Final-ka Carabao cup-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga