Jamie Carragher Oo Magacaabay Sababta Ay Liverpool Ugu Guulaysan Karto Horyaalka Premier League.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa falanqeeyay sababta kooxdiisii ​​hore ugu guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo faa’iidada ay kooxdiisu dheertahay kooxaha kula tartamaya horyaalka ee Man City iyo Arsenal.

Ka dib 27 kulan oo la ciyaaray xilli ciyaareedka 2023/24, waxaa u dhexeeya kaliya 2 dhibcood 3-da kooxood ee ugu horeeya horyaalka premier League.

Kooxaha Liverpool, Man City iyo Arsenal ayaa dhamaantood badiyay kulamadoodii iyaga oo sii wada baacsiga ay ugu jiraan horyaalka.

Carragher Ayaa aaminsan in saamaynta xiddigaha kaydka ka soo kaca ay Liverpool ka caawin karaan ku guulaysiga horyaalka premier League.

“Arsenal waa daafaca ugu fiican, Manchester City, malaha waa kooxda ugu fiican waxayna Haystaan shaqsiyaadka ugu fiican Laakiin waxa jirta meel ay Liverpool kaga fiicantahay labada kooxood ee kale”.

“Jurgen Klopp had iyo jeer waxa uu isticmaalaa shan badal”.

“Waxay ku tusinaysaa awooda kursiga kaydka, xaqiiqdii dhanka gool dhalinta”.

“38% goolasha Liverpool waxa ay yimaadeen 76 daqiiqo ka dib, ma rumaysan lahayd in Liverpool ay dhab ahaantii dhalisay boqolkiiba 76 ka badan goolasha ay dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarta xilli ciyaareedkan”.

“Markale taasi waxay muujineysaa inay heleen ciyaartoy diyaar u ah inay kaydka ka soo kacaan oo ay saameeyaan ciyaarta”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga