Chelsea Oo Calaamadsatay Badalka Mauricio Pochettino

Chelsea ayaa u aqoonsatay Tababaraha Brighton ee Roberto De Zerbi iyo tababaraha Sporting CP Ruben Amorim inay yihiin badalka tababare Mauricio Pochettino hadii laga caydhiyo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa hadda fadhisa kaalinta 11-aad ee kala sarraynta horyaalka Premier League, waxaana dhawaan lagu bahdilay finalka Carabao Cup, kaddib markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Liverpool.

The Guardian ayaa ku warameysa in iyadoo Chelsea ay dooneyso inay sugaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si ay dib ugu eegaan booska Pochettino, kooxda ayaa raadineysa kuwa bedeli kara, iyadoo De Zerbi iyo Amorim ay ugu cad-cadyihiin in ay noqdaan badalka tababaraha reer Argentine.

Madaxda kooxda ayaa wali taageersan Pochettino waxana ay doonayaan in ay iska ilaaliyaan go’aan deg-deg ah oo ay ka qaataan mustaqbalka tababaraha.

Pochettino ayaa sidoo kale haysta kalsoonida qolka labiska waxana uu tababaruhu doonayaa in uu xaliyo dhibaatada kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga