Hordhac: Arsenal Vs Brentford: Gunners Oo Isha Ku Haysa Hogaanka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa marti gali aysa kooxda Brentford kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee premier League si ay hogaanka premier League ula wareegaan.

Brentford ayaa dhinaca kale doonaysa in ay joojiso tareenka kooxda Arsenal horyaalka premier Legaue.

Kulanka: Arsenal Vs Brentford

Tartanka: Premier Legue

Wakhtiga: 8:30

Garoonka: Emirates

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Guusha kaliya ee Brentford ay ka gaartay Arsenal 10-kii kulan ee ugu dambeeyay waxay ahayd 2-0 oo ay ku garaaceen garoonkooda kulankoodii ugu horeeyay ee Premier League bishii August 2021 (2 bar-baro iyo 7 guuldaro).

Kooxda Brentford ayaa doonaysa in ay guul ka gaarto kulan ay marti u tahay Arsenal markii ugu horaysay lix isku day tan iyo bishii April 1938 kii.

Arsenal ayaa badisay dhamaan todobadii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League sanadka 2024,waxana ay dhaliyeen 31 gool waxaana laga dhaliyay kaliya 3 gool.

Gunners waa kooxdii ugu horeysay ee Ingariiska ah ee dhalisa 30 gool ama wax ka badan todobada kulan ee furitaanka horyaalka sanadka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga