Halyeeygii hore ee Chelsea, Joe Cole, ayaa si adag u dhaliilay go’aankii kooxdiisii hore ay Kai Havertz ugu iibisay Arsenal, kaddib markii weeraryahanka Jarmalka uu mar kale door weyn ka qaatay guushii Arsenal ee Chelsea, Arsenal ayaa Axaddii 2-1 kaga adkaatay Chelsea garoonka Emirates, iyadoo Havertz uu dhaliyay goolka barbaraha kaddib markii Chelsea ay ciyaarta hoggaanka ku qabatay gool degdeg ah oo uu dhaliyay Morgan Rogers, Martin Ødegaard ayaa qeybtii labaad dhaliyay goolka guusha.
Joe Cole ayaa sheegay in Chelsea ay khalad weyn samaysay markii ay Havertz ka iibisay Arsenal sannadkii 2023, gaar ahaan iyadoo ciyaaryahanku hadda noqday weeraryahanka koowaad ee kooxda Mikel Arteta, Cole ayaa tilmaamay in Chelsea ay tan iyo markii ay Havertz iibisay lacag badan ku bixisay weeraryahanno, taasoo uu u arko inay muujinayso in kooxda ay ku degdegtay inay fasaxdo ciyaaryahan muhiim ah.
Wuxuu sidoo kale tusaale u soo qaatay Kevin De Bruyne, isagoo sheegay in Chelsea ay horey u samaysay qalad la mid ah markii ay iska iibisay ciyaaryahanka Belgian-ka ah, kaasoo markii dambe noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka, Havertz ayaa Arsenal ugu biiray qiyaastii £65 milyan, xilli uu saddex xilli ku qaatay Stamford Bridge oo qaab ciyaareedkiisu ahaa mid mararka qaar la isku dhaliilo, Laakiin Arsenal ayuu si tartiib tartiib ah ugu noqday ciyaaryahan muhiim ah, waxaana hadda loo doortay weeraryahanka koowaad, isagoo xitaa booska ka hormaray Viktor Gyökeres, oo Arsenal ku soo iibsatay £64 milyan.
Kulankii Chelsea, Havertz kaliya gool ma dhalin, balse wuxuu sidoo kale door ku lahaa weerarkii keenay goolka guusha ee Ødegaard.
Kabtan Martin Ødegaard ayaa sheegay in Havertz uu yahay ciyaaryahan caqli badan oo si wanaagsan u dhaqaaqa, isla markaana uu difaacyada kasoo horjeeda mashquuliyo, Dhanka kale, tababare Mikel Arteta ayaa sheegay in Havertz uu hadda yahay ciyaaryahan faraxsan oo degan, isla markaana uu si wanaagsan u tababarto, goolal dhaliyo, isla markaana shaqo muhiim ah u qabto kooxda.
Guushii Chelsea waxay Arsenal siisay 9 dhibcood oo buuxa saddexdii kulan ee ugu horreeyay Premier League, waxaana kooxdaasi ka mid ah Arsenal iyo Manchester City oo keliya kuwa sidaas sameeyay, Joe Cole wuxuu aaminsan yahay in qaab ciyaareedka Havertz uu hadda si cad u muujinayo sababta Chelsea looga yaabo inay ka shallaayso go’aankii ay ugu oggolaatay inuu ku biiro koox ay si toos ah ugu tartamayso Premier League.
“Go’aannada noocan oo kale ah waa inay Chelsea joojisaa,” ayay dulucda hadallada Joe Cole ahayd, isagoo xusay in kooxdu aysan mar kale lumin ciyaaryahan ay mustaqbalka ka shallaayi karto, isagoo dhaliilay qorshaha super star kaaga aad uga iibineysid kooxda kaasoo horjeeda.
Be the first to comment