Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mauricio Pochettino Oo Ay Taageereyaashu Dalbadeen In La Eryo

Mulkiileyaasha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa go’aan ka gaadhay tababare Mauricio Pochettino, kaddib guul-darradii cuslayd ee ay kala kulmeen Everton maalintii Axadda, taas oo keentay in taageereyaasha kooxdu ay usoo jeediyaan mulkiileyaasha inay shaqada ka eryaan.

Chelsea ayaa u dhacday kaalinta 12aad ee horyaalka Premier League markii ay Everton kusoo karbaashtay 2-0, waxaanay fadhiyaan oo ay ku jiraan booskii ay ku dhamaysteen xilli-ciyaareedkii hore ee waqtiga dambe sida ku-meelgaadhka ah loogu dhiibay tababare Frank Lampard.

Imaatinka Mauricio Pochettino iyo lacag badan oo ay kooxdu ku kharash garaysay ciyaartooyo ay ka mid yihiin Moises Caicedo, Romero Lavia, Cole Palmer iyo Christopher Nkunku ayaa la filayay inay naadiga sare usoo qaadi doonaan, laakiin waxay horyaalka kaga jiraan boos niyad-jab ah iyaga oo siddeeddii ciyaarood ee Premier League ee ugu dambeeyey laba mar oo kaliya guuleystay.

Markii ay dhamaatay ciyaartii Everton, taageereyaasha Chelsea ayaa dalbaday in shaqada laga caydhiyo Pochettino oo ay sheegeen in aan loo dulqaadan karayn guul-darrooyinkiisa, laakiin maamulka Chelsea ayaa go’aansaday in aanay ka jawaabin dalabka taageereyaasha.

Todd Boehly iyo saamiileyda kale ee kooxda ayaa waxa ay go’aansadeen in uu shaqada sii joogo tababare Pochettino oo la siiyo fursad uu kooxda iskugu dubba-rido, waxaana ay sidoo kale qorshaynayaan in suuqa January ay kooxda keenaan weeraryahan dabiici ah, iyadoo shiishkoodu saaran yahay Victor Osimhem.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga