Dabaal Dagii Goolka Man United Oo Isku Badalay Guuldaro xanuun badan & City Oo Caanaha Ka Listay Dariskeeda

Kulan xiiso lahaa ayaa ka dhacay Etihad kaas oo dhexmaray kooxaha Man City iyo Man United kulanka Manchester Derby.

Kulanka ayaa ahaa mid si weyn loogu saadaalinayay Man City marka la eego qaab ciyaareedka labada kooxood ku jiraan.

Sidii la filayay kulanka ayaa ku bilowday maamulis ay City maamulayso ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa United.

Red Devils ayaa dhinaceeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galinayeen goolka Man City.

Daqiiqadii 8-aad ayuu midho dhaliyay weerarkii rogaal celiska ahaa ee Man United waxana gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford.

Man City ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha xilli ay Man United daafac gashay si ay u ilaashato goolkaas.

Citizen ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen gool laakiin Andrea Onana ayaa hor istaagay fursad kasta oo ay helaan.

Xiddiga Erling Haaland ayaa khasaariyay fursad aan la khasaarin karin waxana sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Man City sii waday cadaadiska ay ku hayso Man United oo ay ku doonayeen goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 56-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man United ayaa wixii ka dambeeyay daafac gashay iyaga oo ilaashanayay goolka bar-baraha ugu yaraan.

Laakiin Poden ayaa mar kale soo laabtay waxana uu daqiiqadii 80-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1.

Man United ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato laakiin Man City ayaa maamulaysay iyaga oo diiday in ay United hesho fursad kale.

Erling Haaland ayaa soo baday goolkii furnaa ee uu ka khasaariyay kooxdiisa waxana uu daqiiqadii 90+1-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Poden Iyo Haaland Xabaalaha Ku Dareen Man United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga