Gabriel Jesus Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal Xilli Uu Shaki Ku Jiro.

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Gabriel Jesus ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa garoonka Emirates xilli ay jiraan warar sheegaya in Gunners ay isku dayi karto in ay iska iibiso suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Kadib hoos u dhacii Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette, imaatinka Jesus ee Manchester City xagaagii 2022 ayaa loo arkayay afgambi weyn.

Xiddiga reer Brazil ayaa soo bandhigay aab ciyaareed ajiib ah laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu joogteeyo aab ciyaareedka Iyo waliba dhaawacyo.

Waxa soo baxay warar sheegaya in ay Arsenal iska iibin karto xiddiga marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay The Sun, Jesus ayaan wax niyad ah u hayn in uu ka tago kooxda suuqa xagaaga.

Jesys ayaa ku lug lahaa 15 gool 33 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga