Erik Ten Hag Oo Sheegay Waxa Uu Zirkzee Ku Soo Kordhin Doono Kooxda

Tababaraha Man United Erik Ten Hag ayaa ka hadlay saxiixa cusub ee kooxda Man United Joshua Zirkzee.

Man United ayaa Joshua Zirkzee kala soo wareegtay kooxda Bologna iyaga oo ka soo bixiyay lacag dhan 36.5 milyan oo euro.

Zirkzee oo xulka Netherlands kala qayb galay euro 2024 ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu joogayo Old Trafford.

23 jirkan ayaa dhaliyay 12 gool 37 kulan oo uu u saftay kooxda Serie A ee Bologna xilli ciyaareedkii hore waxana uu noqday saxiixii ugu horeeyay ee Sir Jim Ratcliffe tan iyo markii uu noqday mulkiilaha United.

“Waa ciyaaryahan isku xiri kara ciyaarta,” ayuu yiri Ten Hag oo ka hadlayay saxiixiisa cusub.

“Waxa uu xejin karaa kubada waxana uu samayn karaa fursado”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga