Eidur Gudjohnsen Oo Sameeyay Saadaalin Kalsooni Leh Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Eidur Gudjohnsen ayaa si kalsooni leh u sheegay in Manchester City ay ku guuleysan doonto horyaalka xilli ciyaareedkan, isagoo xitaa ku andacooday in Arsenal ay “haatanba lumisay horyaalka”

Si kastaba, qaab ciyaareedkooda guud ayaan sidaas u fiicneyn marka si qoto dheer loo eego, gaar ahaan tartamada kale:

* Kooxda uu tababaro Mikel Arteta ayaa lumisay rajadii ay ka lahayd “4 koob”

* Waxay ku guuldarreysteen final-ka Carabao Cup oo ay guuldaro kala Kulantay Manchester City.

* 6 maalmood kadib, waxaa laga reebay FA Cup, kadib guuldarro ka soo gaartay Southampton

Kalsoonidii kooxda Arsenal oo horey u dhaawacantay, niyad jab kale ayaa yimid Sabtidii markii ay guuldaro kala Kulantay Bournemouth.

Guuldarradan ayaa si weyn u xoojisay rajada Manchester City ee hanashada horyaalka Premier League.

Inkasta oo mustaqbalka Arsenal uu wali gacantooda ku jiro, haddana halyeeygii hore ee Chelsea, Eidur Gudjohnsen, ma aaminsana in kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay dib u soo kaban karto.

Eidur Gudjohnsen ayaa si cad u muujiyay aragtidiisa ku aaddan xaaladda Arsenal, isagoo sheegay in xitaa taageerayaashu ay jahwareersan yihiin:

“Xitaa taageerayaashu waxay leeyihiin, ‘Maxaan sameyn karnaa? Sideen u joojin karnaa tan?’… Aniga ahaan, waxaan u maleynayaa inay horey u lumiyeen horyaalka,” ayuu yiri Gudjohnsen”

Wuxuu qiray in weli wax walba ay gacantooda ku jiraan, balse ay tahay inay natiijo fiican ka keenaan kulanka ay la leeyihiin Manchester City:

“Ugu dambeyn, wali waxay ku jirtaa gacantooda. Waa inay tagaan Man City, natiijo keenaan, haddii ay guuleystaanna waxay noqon doontaa mid weyn.”

Si kastaba, wuxuu si cad u sheegay inuusan arkin inay taas dhici doonto:

“Anigu ma arko inay dhacdo. Qaabkii Man City u ciyaartay qeybtii labaad ee Stamford Bridge, waxaan dareemay inaan daawanayo kooxda ugu fiican Premier League si aad ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga