Cesc Fabregas ayaa iska fogeeyay wararka la xiriirinaya inuu qabto shaqada Chelsea, isagoo sheegay inuu weli si buuxda ugu go’an yahay kooxdiisa Como isla markaana ay “aad u yar tahay” inuu kooxda beddelo.
Tababaraha 38-jirka ah ayaa si weyn loo amaanay kadib shaqo fiican oo uu ka qabtay Como, isagoo kooxda ka soo saaray heerka labaad ee Talyaaniga xagaagii 2024.
Xilli ciyaareedkii hore, Como waxay ku dhammaatay kaalinta 9aad ee Serie A – taasoo ahayd kaalintoodii ugu sarreysay tan iyo 1987.
Xilli ciyaareedkan, waxay sii wadaan horumar, iyagoo hadda ku jira kaalinta 5aad iyadoo ay harsan yihiin lix kulan oo keliya.
Sidoo kale, kooxda Fabregas waxay weli ku jirtaa tartanka Coppa Italia, halkaas oo ay wajahayaan Inter Milan semi-final-ka.
Lugta hore ayaa ku dhammaatay barbaro goolal la’aan ah, iyadoo lugta labaad lagu ciyaari doono garoonka San Siro toddobaadka soo socda.
Maadaama Como aysan waligood hore uga qeyb gelin tartamada Yurub, u soo bixitaanka UEFA Champions League waxay noqon doontaa guul taariikhi ah oo cajiib ah oo uu gaaro Cesc Fabregas.
Tani waxay ka dhigan tahay horumar weyn oo uu sameeyay Fabregas, maadaama uu weli ku jiro kaliya xilli ciyaareedkiisii labaad ee uu si rasmi ah u maamulo kooxda ka dhisan gobolka Lombardy.
Hadalkan wuxuu muujinayaa in Cesc Fabregas uu si weyn u soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee kubadda cagta, kadib guulaha uu la gaaray Como.
Madaxweynaha Como ayaa si cad u sheegay in Fabregas uu muhiim u yahay kooxda, balse ay og yihiin in mustaqbalka uu u wareegi karo kooxo waaweyn sida:Arsenal, Barcelona, Chelsea.
Wuxuu yiri:“Cesc aad buu muhiim noogu yahay, laakiin waxay noqon lahayd doqonnimo inaanan ka fikirin in maalin uu tegi karo Arsenal, Barcelona ama Chelsea.”
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haddii Fabregas uu sii wado guulaha uu gaarayo uu heli karo fursado waaweyn uu yeelan karo riyooyin ka weyn kuwa hadda uu hayo.
Cesc Fabregas ayaa caddeeyay inuu diiradda saarayo sii joogista Como, inkastoo uu jiro xiiso kaga imanaya kooxo kale.
Isagoo ka hadlayay kadib markii uu helay abaal-marinta Enzo Bearzot Award oo ay bixiso Italian Football Federation, Fabregas wuxuu yiri:
“Aad ayaan ugu go’anahay mashruucan. Kubadda cagta wax walba way dhici karaan, laakiin hadda waxaan u arkaa inay aad u yar tahay inaan ka tago Como.”
Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in sanadkii hore uu xiiseynayay inuu arko sida ay u shaqeeyaan kooxo kale:
“Sanadkii hore, waxaan rabay inaan arko sida ay kooxo kale u shaqeeyaan. Waxaan u sheegay madaxweynaha, laakiin ugu dambayn waxaan go’aansaday inaan sii joogo.”
Be the first to comment