Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Sporting.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa bixiyay warbixin ku saabsan dhaawacyada ciyaartoydiisa ka hor kulanka lugta labaad ee wareegga siddeed dhammaadka UEFA Champions League ee ay la leeyihiin Sporting CP.

Arsenal ayaa 1-0 ku badisay lugtii hore ee ka dhacday Portugal, goolkaas oo yimid daqiiqadihii dambe kana yimid Kai Havertz.

Si kastaba, Arteta ayaa sheegay in laga yaabo in qaar ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah aysan diyaar u ahayn kulanka lagu ciyaarayo Emirates Stadium habeenka Arbacada.

Wuxuu yiri:

“Waa inaan sugnaa berri subax si aan u aragno xaaladda qaar ka mid ah ciyaartoyda, kadibna aan go’aan sax ah qaadanno.”

Markii la weydiiyay dhaawaca Declan Rice, Arteta wuxuu yiri:

“Ma doonayo inaan hadda faahfaahin ka bixiyo, waa inaan sugnaa oo aragnaa sida uu yahay berri. Wuxuu awoodi waayay inuu tababar sameeyo.”

Sidoo kale, markii la weydiiyay haddii ciyaartoyda sida:Bukayo Saka, Jurrien Timber, Martin Odegaard iyo Riccardo Calafiori ay soo laaban doonaan, wuxuu ku jawaabay:“Waxaa laga yaabaa midkood, aan aragno.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga